DHAGEYSO:- Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Weeraray Xilli ay ku sugnaayeen goob Maqaayad ah oo ku taalla Magaalada Columbous

0

Kooxo hubeysan ayaa dalka Mareykanka waxa ay ku weerareen labo wiil oo  Soomaaliyeed sida ay sheegeen laamaha amniga ee dalka Mareykanka.

Magaalada Columbous ee dalka Mareykanka kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday laba Wiil oo Soomaaliyeed , kuwaa soo la sheegay in ay muddo dheer ay kunoolaayeen dalka Mareykanka.

Mid ka mid ah Soomaalida kunool Columbous ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in mid ka mid ah dhalinyarada uu dhaawac culus soo gaaray , halka midka kalena uu geeriyooday.

Magacyada labada Wiil ayaa lagu kala sheegay Maxamed Cali oo dhaawac ah iyo sidoo kale Qaasim Maxamed oo geeriyooday.

Hogaanka Ciidanka Booliska Magaalada Columbous ayaa sheegay in aysan garaneynin sababta loo weeraray dhalinyarada Soomaaliyeed , laakiin ay wadaan baaritaano ku aadan sababta keentay in la weeraro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xoogan tan iyo markii Madaxweynaha cusub ee Mareykanka loo doortay Donald Trump, waxaana jira cabsi ay ka qabaan in ay weeraraan dadka neceb Soomaalida ee kunool dalkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-