DHAGEYSO:- C/raxmaan Faroole oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay puntland inuu haysto dagaal labo jiho ah oo kaga kala furan Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay Gobolka Mudug inay kula dagaalamayaan cidamada Maamulka Galmudug, halka Gobolka Barina ay kula dagaalamayaan cidiamada Daacish.

Senator C/raxmaan Faroole, ayaa sheegay in iyadoo taasi ay jirto deeganada Puntland ay ka taagan tahay xaalad abaareed oo u baahan gargaar Bini’aadinimo.

Waxa uu tilmaamay Faroole Xaalada ka taagan deeganada Puntland inay xilligaan tahay mid aanan indhaha laga fiirsan Karin oo culimada iyo shacabka looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan.

Deeganada Puntland todobaadkii aan soo dhaafnay labo ruux ayaa u geriyootay Biyo la’aan kadib markii ay saameysay abaarta ka jirta deeganada Maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-