DAAWO SAWIRADA:- Bilacda Degmada Hobyo Iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug oo socdaal shaqo ku tagay

0

Wafdigan Wasiirada ah ee ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda dawlad goboleedka Galmudug Burhan Warsame Cigaal, iyadoo ay qayb ka  ahaayeen Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali iyo Wasiirka Ganacsiga C/ladiif C/llahi Warsame.

Wasiirada ayaa kormeeray marsada Dabiiciga ah ee degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ay sheegeen in hadda ka dib wax ay ka soo dagi karaan kana dhoofi karaan marsadan, iyadoo la isticmaalayo Shactar dhawaan halkaasi soo gaaray.

Cumar Cali Wehliye oo ka socday shirkadda Sharctarkan keentay Hobyo ayaa sheegay in Shactarkan uu qaado ilaa 300 oo tan, islamarkana uu awoodo intuu doomaha ku dajiyo hal maalin, maraakiibtana maalmo kooban.

Guddoomiyaha degmada Hobyo C/llahi  Axmed Cali Faat ayaa u mahadceliyay ganasatada keentay shactarkan waxaana uu ku booriyay ganacsatada inay maalgashadaan Hobyo oo ah magaalo fursado badan ka banaanyihiin.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

dakada-hubyo-2 dakada-hubyo-3 dakada-hubyo-4 dakada-hubyo-5 dakada-hubyo-6 dakada-hubyo-7 dakada-hubyo-8 dakada-hubyo-9 dakada-hubyo-10 dakada-hubyo-11 dakada-hubyo-12 dakada-hubyo-13 dakada-hubyo-14