Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Saakay degan

0

Waxaa Saakay Degen Xaalada Guud Ee Magaalada Gaalkacyo,oo uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhanka kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug ay gaareen Magaalada gaalkacyo Saacadihii la soo dhaafay.

Magaalada ayaa sidoo kale waxaa ka jirta Cabsi ay qabaan dadka Fara ku Tiriska ah ee ku Harsan.

Sidoo kale waxaa jirta Baaqyo loo jeedinayo Dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada gaalkacyo oo ku aadan in la joojiyo Dagaalka Magaalada ka socda.