WARBIXIN:- Wax walbo aadan ogeyn ee dhacay Inta ay socotay Doorashada Mareynkanka iyo Madaxweynaha cusub Donald Trump

0

Donald Trump, ayaa ku guuleystay Madaxtinimada dalka Mareykanka, iyadoo ay la tartamaysay Musharax Hillary Clinton.

Tirinta codadkii la tiriyay ayaa Trump waxa uu helay codad gaaraya 274 cod, halka Hillary Clinton ay heshay codad gaaraya 215 cod.

Taageerayaasha Trump, ayaa Banaanbaxyo kala duwan ka dhigaya dalka Mareykanka, kuwaasi oo aad ula dhacsan inuu guuleysto Trump.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ayaa u tartamaayay Xisbiga Jamhuuriga, waxaana uu guusha ka hantay Hillary Clinton oo u tartamaysa Xisbiga Dimuqraadiga.

Doorashadii Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ku dhamaatey mucjiso, waxaana ku guuleystey maalqabeenka Donald Trump, oo noqonaya Madaxweynihii 45aad ee Maraykanku yeesho, Waxaana guuld arado ugu daran raacdey Musharaxii Xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton.

Trump ayaa guul weyn ka soo hoyey doorashadii, taas oo ahayd mid lama filaan ah, waxaana uu ku guuleystey dhamaan gobolada loo yaqaan kuwa codadkooda lagu dagaalamo sida Florida, North Carolina, Ohio, sidoo kale waxa uu ku guuleystey gobolo Dimoqraadiga horey looga soo dooran jirey sida Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Horey ayaa loo saadaalinayey in Trump uu ku guuleysan karo qaar kamid ah gobalada dhex dhexaadka ah ee dalkaasi Maraykanka, maadaama in badan oo kamid ah dadka dabaqada dhexe ee kasoo horjeeda hoos u dhaca ku yimid dakhligooda aysan taageero weyn u hayn murashaxada xisbiga Dimuquraadiga ee Hillary Clinton.

Donalad Trump ayaa khudbadiisi guusha ka jeediyey magaalada New York oo ahayd halkii uu ku dhashey isla amrkaana deganaa, waxaana uu sheegay in ay Telefon u soo dirtey Hillary Clinton oo ugu hambalyeysey guushiisa.

Trump ayaa jeediyey khudbad ka duwan kuwiisi hore, waxaana uu sheegay in uu Madaxweyne u noqonayo dhamaan dadka Ameerika, oo nooc kasta oo ay yihiin, wuxu sheegay in uu dalka dib u dhisi doono, isla markaana dadka oo dhan mideyn doono. Khudbadda Trump ayaa u badneyd mid ku mahadinaayo dadkii la soo shaqeeyey, iyo xubnaha qoyskiisa.