WAR DEG DEG:- Wafdi gaaray Xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab+SABABTA oo la ogaaday

0

Xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab ee ku yaala Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa shalay waxaa kormeer shaqo ku tegay Ergayga gaarka ah ee Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ee u xil saaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed Ambasador Maxamed Cabdi Afey.

Ujeedada safarkiisa shaqo ayaa aheyd sidii uu ugu kuurgali lahaa xalaadda nololeed ee ka jirta Xeryahaasi,waxa uuna soo kormeeray xerada Qaxootiga ee Xagar-dheer, isagoo si gaar ah u booqday Cisbitaalka weyn xeradaasi, waxaana uu halkaasina ku soo indha indheyay meelaha Dadka bukanka ahi ay jiifan.

Amb: Afeey waxaa kaloo uu booqday Xafiska hey’adda UNHC ee Xerada Xagar-dheer, kadib waxa uu Xarunta hey’addaasi ee Degmada dhadhaab kula kulmay Gudiga Xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab, isagoo sheegay in dhawaan loo magacabay Eryga gaarka ah ee hey’adaasi u xilsaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyed ee Gobolka.

“waxaan dhawaan booqday xeryaha qaxootiga ee Dalka Jabuuti ayna ku jiraan Qaxooti Soomaaliyeed maantana dhadhaab ayaan joogaa, berrina waxaan aadi doonaa Dalka Ugandha waxaa xiga oo aan taki Wadamada Itoobiya iyo Yemen” ayuu yiri Ergayga Amb:Afeey.

Ergayga gaar ah ee u xlisaaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxa uu ugu dambeyntii sheegay in uu ku dadaali doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Dalalkaasi,isagoo xusay in uu kala hadli doono Wadamadaasi qaxootiga ay hayaan inta soomaaliya ka xasilaaneeyso, ciddii doontana ay iskeed u noqon karto.