WAR DEG DEG:- Madaxweynaha Soomaaliya oo war ka soo saaray Guusha Donald Trump

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hamblayo u diray Donald Trump oo noqday Madaxweynahii 45-aad ee soo mara Dalka, kadib markii uu ka guuleystay Hillary Clinton.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn hambalyo gaar ah u diray Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Donald Trump iyo dhamaan shacabka Dalka Mareykanka oo doortay Madaxweynaha 4-ta sano ee soo socota hogaamin doona Mareykanka.

“Waxaan hambalyo farxad leh u dirayaa Donald Trump oo noqday Madaxweynahii 45-aad ee soo mara Dalka Mareykanka iyo dhamaan shacabka Dalka Mareykanka oo doortay Madaxweynahooda cusub” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhiuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynaha Dalka Mareykanka ugu baaqay in uu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, sidoo kalena uu sii wado taageerada Mareykanka uu siinayo Soomaaliya.

Donald Trump  ayaa noqonaya ninkii ugu horeeyay oo maalqabeen ah ee ku guuleysta Madaxtinimada Dalka Mareykanka, kadib markii uu helay codad gaaraya 276 cod, halka Hillary Clinton oo la tartamaysay ay heshay 218 cod.