WAR DEG DEG AH:- Xildhibaan Dufle oo ku guuleystay doorashada ka socota Jowhar

0

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxii uu la tartamaayay.

Dr. Dufle ayaa helay codad gaaraya 85 cod, halka Jaamac Xuseen  Xaashi oo Dufle la tartamaayay uu helay codad gaaraya 12 cod, sida Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi uu shaaciyay.

Dr. Dufle ayaa ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee xubin aqal sare ay ku guuleysato, maadaama uu xaqiijiyay 85 Xildhibaan codkooda.

Waxa uu ka mid noqday Xubnaha Aqalka Sare ee deeganada Maamulak Hirshabelle.

Kursiga uu ku guuleystay Dr. Dufle ayaa ah kursiga labaad ee Aqalka Sare Maamulka Hirshabeelle, iyadoo doorashada weli ay ka socoto Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.