WAR DEG DEG AH:- Donald Trump oo 23 Cod ugu dhiman tahay inuu noqdo Madaxweynaha Mareykanka

0

Waxaa soo baxday Natiijo Hor dhac ah oo ku aadan Doorashada Madaxweyne ee Wadanka Mareykanka.

Donald Trump ayaa wax badan ku horeeya Natiijada Codbixinta Mareykanka,waxaana uu hadda leeyahay 244 Cod  waxaana ka Xigta inuu noqdo Madaxweynaha Mareykanka 23 Cod,maadaama Guuleystaha laga doonayo 270 Cod.

Hillary Clinton ayaa u muuqata mid looga adkaaday Doorashada marka la Eego Natiijada hor dhaca ah ee soo baxay,waxaana ay leedahay 209 Cod.