Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay Guushii uu gaaray, kana laabtay hadalo uu horay u sheegay

0

Kadib doorasho dhawr saacadood qaadatay oo ka dhacday dalka Maraykanka ugu dambeyn waxaa kusoo baxay musharaxa ka socday xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo helay  276 markii codadka la tiriyay

Taageerayaashiisa ayaa dabaal degyo iyo sawaxan bilaabay markii ay natiijadu soo baxday.

M/weyne ku xigeenka cusub ee Maraykan waxaa uu aaminsan yahay inay maalin weyn u tahay dadka Maraykanka oo ay doorteen hogaan cusub  oo jiho cusub u hagaya dadka Maraykanka.

Donald Trump oo noqday M/weynihii 45,aad ee Maraykanka soo maraya waxaa uu dhashay 1945 waa 70 jir waqtigiisa inta badan ku baxshay ganacsiga waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay hantiilayaasha Maraykanka.

Waa Aabe leh Shan caruura oo haween kala duwan u dhaleen.

Khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ayuu ugu mahad celyay haweeneyda la tartamaysay hase ahaatee waxaa uu sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee uu qaban doono ay ka mid yihiin midaynta Maraykanka iyo inuu madaxweyne u yahay dadka Maraykanka oo dhan.

Trump oo intii uu ol olaha waday jeediyay hadalo xurguf lahaa ayaa waxyaabaha uu horey u balan qaaday waxaa ka mid ah inuu dib u eegis u sameyn doono dadka soo galootiga ah inuu darbi ka dhisi doono xadka uu wadankaasi la wadaago dalka Mexico.

Khudbadihiisaas ma aheyn kuwa ay jecleysteen Muslimiinta iyo soo dadka wadankaas u dhalan.

M/weynaha cusub oo noqonaya M/weynihii ugu horeeyay ee aan siyaasi aheyn ee xilkaan dalkaasi ka qabta waxaa uu xilka la wareegayaa 20 bisha January ee sanadka soo socda 2017.

Waxaan fariin ka helay xoghaye klinton

Waaxay noogu hambalyaysay guusheena anna waxaan ugu hamblayaynaa ayada qoyskeeda waayo aad bay dagaal noola gashay.

Hillary aad bay ugu shaqaysay wadankeena anaguna waan u haynaa shaqada ay wadankeena u qabatay.

Haddda waaa waqtigii Maraykanku ka bixi lahaa kala qaybsanaanta iskuna imaan lahaa

Xisbiyadeena Jamhuuriga , dimoqradiga iyo kuwa madaxbanaanba  waxaan idiin leeyahay waa waqtigiinii aad isku imaan laheydeen oo aad midoobi laheydeen.

Waxaan  u balanqaadayaa qof kasta oo Maraykan ah inaan M/wene u ahay dhamaan muwaadiniinta