Dowladda Soomaaliya oo Safaaraddii ay ku laheyd Sanca u soo Rartay Magaalada Cadan

0

Wasaaradda arimaha dibada dalka Yemen ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay xukuumadda federaalka Soomaaliya ay kusoo xirtay safaradeedi magaalada Sanca waxana ay u soo rartay magaalada caasimada KMG ah ee Cadan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaadatay qaraar ku aadan sababo wadciga nolasha awgeed iyo maleshiyaadka Shiicada ee Sanca la wareegay inay xiraan safaradoodi sancaa.

Mas’uul u hadlay wasaaradda arimaha dibada Yemen ayaa qorshahaan xukuumadda ku tilmaamay mid soo dhaweyn mudan,waxana shaqadii diplomasiyaded iyo mida qunsuliyada safarada loo raray caasimada KMG ee Cadan.

Wakalaada wararka Yemen ee Saba ayaa sheegtay in go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay tahay mid taagero loogu muujinayo dowladda Sharciga ee madaxweyne Cabdi rabi Mansuur Hadi.