Doorashooyinka Maanta mar kale ka dhacaya Kismaayo iyo Beydhabo iyo Siyaasiyiin Caan ah oo isku dhagan

0

Waxaa maanta maalintii labaad Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ka socota wajiga labaad ee Doorashada Xubnaha ka mid noqonaya Aqalka hoose ee deeganada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Ergooyinka ku sugan Baydhabo iyo Kismaayo ayaa soo dooranaya shaqsiyaadka ay u arkaan inay u qalmaan ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ee soo socda.

Shalay Kismaayo iyo Baydhabo waxaa lagu doortay min todobo Xubnood oo la xaqiijiyay inay ka mid noqdeen Baarlamaanka cusub ee Somaliya.

Qof ka mid ah Ergada ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta u sheegay inay hada sii galayaan hoolka Doorashada ay ka dhaceyso ee Magaalada Kismaayo si ay u soo doortaan xubnaha Beeshooda uga mid noqonaysa Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale Doorashada ayaa ka socota Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Magaaladaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay xil weyn iska saareen suggida ammaanka goobta ay ka dhaceyso Doorashada ee Magaaladaasi, si aysan u dhicin falal lidi ku ah dhanka ammaanka.