DHAGEYSO:- Magaalada Jowhar oo saaka lagu dooranayo xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka

0

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare  ee maamulka Hirshabeelle oo shalay dib u dhaca ku yimid ayaa Maanta lagu wadaa in ay ka bilaabato magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh  Cusmaan Barre ayaa sheegay in maanta ay bilaaban doono Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay soo xaadiraan madaam uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulka ugu dambeeya maamulada hoos taga dowladda Soomaaliya oo aan wali soo gudbin xildhibaanada Aqalka Sare.

Inkabadan 20 musharax ayaa u taagan Qabashada xubnaha Aqalka Sare ee deegaanada maamulka Hirshabeelle u matali doona dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-