DHAGEYSO:- Madaxweynaha HirShabeelle oo ka hadlay doorashada Aqalka Hoose ee HirShabeelle ka imaanaya

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddex cisho ka dib ay magaalada Jowhar ay ka dhici doonto doorashada xubnaha Aqalka Hoose, xilli Maanta lagu wadaa in  Magaalada jowhar ay ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle ay ku dadaali doonaan sidii doorashada Aqalka Hoose iyo sidoo kale Aqalka Sare ay ugu dhici laheyd sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada iyo sidoo kale Ergooyinka dooranaya labada gole ee baarlamaanka in ay doortaan dad wax u qaban kara bulshada kunool gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeellaha Dhexe.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in ay xaqiijinayaan qoondada ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin labada gole baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay bulshada kunool deegaanada maamulka Hirshabeelle in ay kalsooni ay u muujiyaan maamulkiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-