Dagaal iyo dilal ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koofurta Soomaaliya ayaa ku warramaya in Ciidamo ka wada tirsan maamulka Koofur Galbeed ay ku dagaalameen duleedka degmada Afgooye.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Iska Hor’imaadkaan oo socday Saacado kooban uu ku dhacay duleedka degmada Afgooye gaar ahaan Kontaroolka degmadaasi laga soo galo.

Wararka ayaa sheegaya in sababta Ciidamada ugu dagaalameen halkaas ay ka dambeysay dhac la sheegay in mid ka mid ah dhinacyada dagaalamay ay geysan rabeen.

Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi ka dhacay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale Kooxo Hubeysan ayaa la soo warinayaa in ay weerar ku qaadeen Gaari Dad shacab ah ay la socdeen oo ka soo ambabaxay deegaanka Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku sii jeeday deegaanka Janaale.

Inta la xaqiijiyay 1 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Gaariga la rasaaseeyay ayaa ku dhintay Tacshiiradaasi.

Dhibaatooyinka xagga Amni ayaa ku sii kordhayay Gobolka Shabeelaha Hoose tan iyo markii hoggaanka maamulka Gobolkaas uu la wareegay Guddoomiye Ibraahim Najax.