DAAWO SAWIRADA:- Al-Shabaab oo maamulaya deegaanka Goofgaduud

0

Ururka Al Shabaab ayaa gacanta ku haayo deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed halkaasi ay isaga baxeen.

Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya inay ku sugan  yihiin Deegaanka Goofgaduud oo si nabadgelyo ah ay ku qabsadeen.

Gacan ku haynta deegaankaan ayaa isbed bedel ku yimid maalmihii la soo dhaafay, kadib markii dhowr mar Shabaab dagaal ay ku qabsadeen, balse markii dambe ciidamada Koonfur Galbeed ay ka saareen.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xooga dalka Somaliya qaybta 60-aad inay isaga baxeen halkaasi habeen hore.

Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay ka bixitaanka ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda deegaankaan Goofgaduud.

Xaalada Deegaanka ayaa ah mid degan, waxaana ku sugan ciidamada Ururka Al Shabaab qaybta Jabhadaha ee dagaalada culus gasha.

Dadka Deegaanka ayaa la qabsanaya Maamulka Ururka Al Shabaab, sababo ku aadan cabsi xoogan oo ay dareemayaan dadka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

goofgaduud-1 goofgaduud-2 goofgaduud-3 goofgaduud-4 goofgaduud-5 goofgaduud-6 goofgaduud-7 goofgaduud-8 goofgaduud-9 goofgaduud-10 goofgaduud-11 goofgaduud-12