Cismaan Axmed Macow oo noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee ku guuleysta Doorashada Aqalka Sare Hirshabelle

0

Doorashada ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa waxaa ku soo baxay oo noqday qofkii ugu horeeyay Cismaan Axmed Macow oo noqday xubintii ugu horeysay ee Aqalka Sare loo doorto Maamulka Hirshabelle.

Cismaan ayaa helay codad gaaraya 72 cod, waxaana uu ka guuleystay Cabdi Nuur Ibraahin Farey oo la tartamaayay, waxaana uu helay codad gaaraya 24 cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashada, isaga oo shegay Cismaan Axmed Macow inuu yahay xubintii ugu horeysay ee loo doorto Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle.

Guddoomiyaha ayaa u hambalyeeyay Masuulkaan cusub  ee ku biiray Liiska Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ee hoolka ku sugan ayaa gaaraya 97 Xildhibaan, kuwaasi oo soo dooran doono 7-da Kursi ee kale ee dhiman.