Booliska Germany oo xabsiga dhigay Shan nin oo Daacish lagu tuhmaayo

0

Ciidamada Booliska oo hawlgalo ka sameeyay qaar ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Waqooyiga iyo Galbeedka dalka Germany ayaa xabsiga dhigay shan nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Booliska ayaa sidoo kale baaritaan ku sameeyey Masjid ku yaal magaalada Hannover, dadka la qabtay ayaa waxaa ku jira Wadaad lagu magacaabo Ahmad Abdulaziz Abdulla oo loo yaqaan (Abu Walaa), ninkan oo ah 32 sano jir u dhashay dalka Ciraaq ayaa lagu eedeenayaa inuu dhalinyarada ku dhiiringelin jiray inay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalameysa dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Ragga kale ee la qabtay ayaa waxaa kamid ah nin 50 sano jir ah oo u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hasan C., 2 Nin oo kasoo jeeda dalka Germany oo lagu kala magacaabo Boban S. (36 jir) & Mahmoud O.(27 sano jir) iyo waliba nin u dhashay dalka Kameroon (Cameroon) oo lagu magacaabo Ahmed F. Y oo ah 26 sano jir.

Booliska oo raggaan gacanta ku haayo, ayaa waxaa ku socdo Baaritaano dheeri ah oo ku aadan tuhunada la xiriira inay ka tirsan yihiin Xoogaga Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq ka dagaalama.

Daacish ayaa horay weeraro kala duwan uga geysatay dalalka reer Galbeedka, iyadoo sidoo kale shaqsiyaad ka tirsan Daacish toogasho dad ay ku dileen.

Booliska Germany ayaa ku jira feejignaan buuxda oo ku aadan xaalada dalkaasi iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ka dhanka ah Daacish.