War hada naga soo gaaray Kismaayo iyo Qarax lala damacsanaa halka ay ka dhaceyso doorashada aqalka Hoose

0

Warar hadda nasoo gaarey waxay sheegayaan in ciidamada Nabad sugidda Jubbaland ay gacanta ku dhigeen Miino lasoo geliyey Caagagga qashinka lagu shubo, taasi oo la doonayey in lagu qarxiyo halka ay ka dhaceyso doorashada aqalka Hoose.

Miinadan ayaa gudaha ku jirtey, balse qalab ahaan ma aaney shidneyn, sida ay saraakiisha Nabad sugidda sheegayaan, waxaana la tilmaamay in ciidanka ay heleen iyadoo shaqsigii dhigey uu doonayo inuu shido.

Ciidamada Jubbaland ayaa xabsiga u taxaabay shaqsigii miinada wadey iyo sidoo kale rag kale oo la sheegay in looga shakisan yahay in arrintan kaalin xooggan ay ka qaateen.