WAR DEG DEG:- Wafdi culus oo Goordhow gaaray Magaalada Jowhar

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi ay gaareen wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey).

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe kus oo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Waxgarad iyo xubno kale.

Ujeedka wafdiga halkaasi ay u gaareen ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabaneysa Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa hada waxaa ka socota diyaar garow ku aadan Dooorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka soo socda.