WAR DEG DEG:- Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo ka bilaabatay Kismaayo

0

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa maanta si rasmi ah ugu bilaabatay Magaalada Kismaayo  oo caasimad KMG ah  maamulka Jubbaland, goobta ay ka socota doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah madax ka tirsan maamulka Jubbaland yo sidoo kale Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kursigii koowaad ee Jubbaland  ay ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , Waxaa ku guulaystay Cabdirashiid Xidig oo ah wasiir dowlaha Wasaarada arimaha gudaha.

Maanta ayaa lagu wadaa  in la doorto 8 xubnood , ayna doorashadu  sii socon doonto tan iyo inta laga soo dhameystiraayo xildhibaanada Aqalka Hoose u matali doono maamulka Jubbaland Dowladda Soomaaliya.