WAR DEG DEG:- Doorashada Maraykanka oo bilaabatay

0

Codbixiyayaasha ku nool xeebaha bari ee Maraykanka ayaa bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Labada musharrax ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa isu soo baxoodii ugu dambeeyay sameeyay saacadihii hore ee maanta oo ay doorashadu dhacayso.

Donald Trump ayaa u sheegay taageerayaashiisa in uu usoo bandhigayo fursad taariikhi ah oo uu ku bedelayo siyaasada Maraykanka, isla markaana uu kusoo celinayo daacadnimada dowladda dalkaasi.

Hillary Clinton ayaa waxyar ku horeysa ra’yi ururin laga qaaday qeyb ka mid ah codbixiyayaasha dalkaasi, waxaana ay sheegtay in Maraykanka uu hadda u baahan yahay isu soo dhaweyn, balse aanu rabin gidaaro lagu kala qeybiyo.

Natiijada doorashadaasi ayaa la filayaa saacadaha hore ee Arbacada beri ah (8:00 subaxnimo SGA).