WAR DEG DEG:- Dagaal culus oo hada ka socda Gaalkacyo iyo Heshiiskii Puntland iyo Galmudug oo mar kale…..

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in hada halkaasi uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkana ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku wada hadlay qadka telefoonka ayaa ku heshiiyay in maalinta Jimcaha ah Magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah.

Waxaana shalay ay sheegeen labada Madaxweyne in go’aan laga gaaray colaada Magaalada Gaalkacyo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacaayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.