TOP NEWS:- C/Rashiid Xiddig oo ku soo baxay aqalka hoose

0

C/rashiid Max’ed Xidig oo hore uga mid ahaa mudaneyaasha baarlamanka dalka Soomaaliya, ahaana wasiiru dowlaha arimaha gudaha dalka ayaa cod dhan 37 uga guuleystay musharixiintii la tartameeysay ee kala ahayd Max’ed Ismaaciil Shuuriyo oo helay 5 cod iyo maxamuud Max’ed Kuuloow oo isna helay 7 cod.

Gudiga ayaa ku dhawaaqay in Xidig ku guuleystay booska xildhibaan federaalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa weli si hab-sami leh uga socota hoolka Daawad, waxaana la filayaa in ay bilaabato beesha ku xigta ee soo dooran doonta xildhibaankooda.