TOP DHAGEYSO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo war cusub ka soo saaray Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose

0

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur Galbeed Sayid Cali Baafo ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socdaan qaban qaabada Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in ay meel wanaagsan mareyso isdiiwaangelinta Aqalka Hoose, sidoo kalena ay rajeynayaan in maanta ay bilaabato wajiga koowaad ee doorashada xubnaha Aqalka Hoose.

Magaala Madaxda Maamul Goobleedyada Dalka ayaa waxaa xilligan ka soconaya qaban qaabada Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose, waxaana Guddiga Doorashooyinka dadban ee Dalka ay sheegaan in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in la soo gaba gabeeyo dhameystirka xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO