TOOS ULA SOCO:- Waa sidee Saaka Xaalada Magaalada Gaalkacyo ?

0

Wararka inaga soo gaaraya Saaka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay halkaasi ay ka dhaceen Rasaas goos goos ah.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in xaalada Saaka ay tahay mid degan, welina labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.

Shalay Magaalada Boosaaso waxaa gaaray Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, isagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo joojin lahaa colaada Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku wada hadlay qadka telefoonka ayaa ku heshiiyay in maalinta Jimcaha ah Magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah.

Magaalada ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan ka dib dagaalo ka socday muddo ku dhow hal bil.