TOOS ULA SOCO:- Dagaalka Gaalkacyo oo sii xoogeystay iyo Saraakiisha Puntland oo qeydlo dhaan afka furtay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu xoogeystay dagaalka subaxnimadii hore ka bilowday galbeedka magaalada.

Hubka culus ayaa laga maqlayaa aagaga dagaalka oo dhan, waxaana meelaha qaarkood la sheegayaa in dagaaladu ay sii xogeysanayaan.

Saraakiisha Puntland ayaa qeylo dhaan afka furtay iyagoo sheegaya in weerarkan dhawr jiho looga soo qaaday, isla markaasna ay iska difaacen oo ay weeraradan yihiin kuwa laga leeyahay ujeedo fog.