TOOS U DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo ku amray Dadka degan Shabeelaha Hoose inay Guryahooda ka guuraan Beerashada ay joojiyaan

0

Ururka Al Shabaab, ayaa awaamiir layaab leh ku soo rogay qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona ay walaac xoogan ka muujiyeen bulshada degan goobaha, ay awaamiirtan saamaynayso.

Ururka Al Shabaab, ayaa beeraleyda ku dhaan Deegaanada Caanoole, Bariire, Sabiib, Awdheegle iyo Galawar ku amray inay isaga guuraan guryahooda, isla-markaana aysan beeran karin beerahooda.

Nabadoon Badal Jaamac Xersi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa si adag uga hadlay awaamiirtan cusub.

Nabadoon Badal Jaamac Xersi, ayaa cawaaqib xumo soo korortay ku sheegay awaamiirtan, oo Shabaabku ay ku soo beegeen, xilli abaaro baahsan laga soo sheegayo qaybo ka mid ah dalka.

Nabadoonka, ayaa soo hadalqaaday in Gobolka Shabellaha Hoose ay ka jirto dhibaato daran, oo daba dheeraatay, tanina ay sii adkayn doonto xaaladdii adkeyd ee Gobolka ka jirtay.

Kuwa soo rogay awaamiirtan oo uu ugala jeedo Ururka Al Shabaab, ayuu ugu baaqay inay shacabka ka daayaan awaamiirta, ay ku adkaynayan noloshooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO