Ra’iisul Wasaare Sharmarke iyo Wasiirkiisa Amniga oo lagu eedeeyay Dagaalka Gaalkacyo

0

Nabadoon Maxamuud Cali Nuur Barre oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed aaya sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Wasiirkiisa Amniga Cabdirisaaq Caumar Maxamed ay Masuul ka yihiin Colaadda Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Nabadoonku in aanu xal keeni Karin gacmo Shisheeye loona baahan yahay in lala Xisaabtamo dadka hurinaya Colaadda Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Nabadoon Maxamuud Cali Nuur Barre ayaa Madaxda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ku eedeeyay in ay yihiin Dambiilayaal Dagaal.

Colaadda Gaalkacyo ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareysa iyadoona ay bureen Heshiisyo horay look ala dhex dhigay labada maamul.