Puntland oo ka digtay in Ciidamo AMISOM ka socda la geeyo Gaalkacyo.

0

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Mudug kana mid ah Saraakiisha Ciidanka maamulka Puntland ee ku sugan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo Axmed Muuse Nuur ayaa shaaca ka qaaday in beesha Caalamka ay wadaan dadaallo ku aadan in Ciidamo kuwa AMISOM ka socda la kala dhex dhigo maamullada Puntland iyo Galmudug.

Mr Axmed Muuse Nuur ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax xal ah soo kordhin doonin haddii Ciidamo kuwa Midowga Africa la geeyo Magaalada Gaalkacyo.

“ waxaa loo baahan yahay in Wadahadal ay wada yeeshaan maamullada ku diriraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug”ayuu yir Mr Axmed Muuse Nuur.

Shalay ayey ahayd markii Heshiis la kala dhex dhigay maamullada Puntland iyo Galmudug kadib markii Magaalada Boosaaso uu booqday Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michel Kating.