Madaxweynaha Jubbaland oo cadeeyay in Musuqmaasuq uu hareeyay Doorashada Aqalka Hoose

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ) ayaa sheegay in Musuqmaasuq uu hareeyay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee dalka Soomaaliya.

Waxa uu shaaca ka qaaday Axmed Madoobe in ay helayaan Macluumaad ku saabsan in lacag ka badann 1 Million oo dollar maamullada qaar Kursiga Xildhibaan lagu kala iibsanayo.

“ waxaan ka codsaneynaa Ergooyinka wax dooranaya in dalka iyo dadka kuwa wax gal u ah ay codkooda siiyaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli la guda galayo doorashooyinka Baarlamaanka ee dalka.