Guddoomiye Jawaari oo Maanta u Tartamaya Xubin ka mid ah Aqalka Hoose

0

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG ah u ah Koofur Galbeed waxaa ka bilowday Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Dowladda Federaalka ka soo galaya Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed ayaa sheegay in Doorashada Golaha Shacabka Koofur galbeed Wajiga Koowaad lagu dooranayo 23 Mudane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Waqtigiisu uu dhamaaday Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka mid ah Ma’uuliyiinta Maanta Baydhabo ku sugan islamarkaana u Tartamaya Xubin ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa hadda ay socotaa Doorashada uu ugu Tartamayo ka mid noqoshada Xubnaha Aqalka Hoose.