DIGNIIN:- Dagaalka Gaalkacyo oo waji kale yeelan kara iyo Cida ka faaiideysan karta oo la ogaaday

0

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa ka digay in Al Shabaab ay ka faa’ideystaan xiisada muddooyinkii dambe ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Danjire Keating ayaa waxuu shaaca ka qaada loo baahan yahay loo baahan yahay in laga dhabeeyo heshiiskii Shalay la wada gaaray si buu yiri loo soo celiyo Xasiloonidii Magaalada Gaalkacyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Beesha Caalamka ay u taagan tahay taagerida Nabada iyo qorshaha xabad joojinta ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dhinaca kale, Wakiilka Qaramada Midoobay, Michael Keating iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa booqan doona Magaalada Gaalkacyo si ay qiimeyn ugu soo sameeyeen Xaalada Magaalada Gaalkacyo iyo heshiiska Xabad joojineed ee la wada gaaray.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale arimo muhiim ah kala hadli doono mas’uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Galmudug markii ay gaaraan Magaalada Gaalkavyo.

Shalay ayee aheyd markii Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland markale ay ka heshiiyeen colaada Magaalada Gaalkacyo, iyadoona xusid mudan in uu jabay heshiiskii dhawaan ay ku soo wada galeen Magaalada Abu Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.