Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Xabsi Daa’im lagu xukumay

0

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Dhalinyarada la xukumay ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay Weerareen sanadkii 2010 kii markab Ganacsi oo maraayay Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale Yemen.

Dhalinyarada xukunka lagu riday ayaa waxa ay gaarayaan Saddex , waxaana ay muddo ku xirnaayeen dalka Mareykanka.

Labo ka mid ah dhalinyarada ayaa waxaa lagu xukumay xabsi Daa’im , waxaana labadaasi lagu kala magacaabaa Cabdirisaaq Abshir Cusmaan iyo Maxamed Cabdi Jaamac.

Halka midka Saddexaad oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saciid lagu xukumay 33 sano oo ah xabsi ah.

Garsooraha Maxkamada Raymond Jackson ayaa sheegay in dhalinyradaani lagu helay danbiyadii lagu soo eedeeyay , islamarkaana ay muteysan xukunkaasi madam ay geysteen fal Afduub ah, ayna weerar ku qaadeen Markab ganacsi oo maraayay xeebaha dalka Yemen.