Daawo War cusub oo ku saabsan Dagaalka Gaalkacyo oo Muqdisho naga soo gaaray

0

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga Hooyooyinka ku qabtay Kulan ay ku dalbanayaan in Deg Deg loo joojiyo Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Sababay Dhimasho,Dhaawac iyo Burbur hantiyadeed.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay inta badan Mas’uuliyiinta Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo Cad dheer ku dalbaday in la joojiyo Dagaalka.

Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo Goobta ka hadlay ayaa iska Ooyay,waxaana uu sheegay inuu ka Xun yahay Dadka wada dhashay ee isku dilaya Gobolka Mudug,iyadoo uu Codsaday in Dagaalka la joojiyo islamarkaana laga wada hadlo waxii dhacay.

Golaha Abwaanada ayaa sidoo kale Goobta ka sheegay in ay Wafdi u dirayaan Magaalada Gaalkacyo,kaas oo Labada Maamul kala hadli doona in ay Nabadda qaataan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11