Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Degaanka Ceel-baraf iyo AMISOM oo ka hadashay

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Ceel-baraf Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Fariisimo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Degaankaas,waxaana Weerarku uu ahaa Madaafiic iyo mid Toos ah sida ay noo sheegeen Dadka Degaanka Ceel-baraf.

Degaanka Ceel-baraf Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa Fariisimo ku leh Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Burundi iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Taliska AMISOM ayaa Barta ay ku leeyihiin Tiwitter-ka waxaa ay ku Xaqiijiyeen inuu jiro Weerarka Maanta lagu soo qaaday fariisinkooda Degaanka Ceel-baraf.

Warka ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Saddex Hoobiye ay ku soo dhaceen Meel u dhaw Xerada ay ku leeyihiin Ceel-baraf,waxaana Hoobiyaasha ka dib Xigay Weerar Toos ah oo Shaabaabku ay ku qaadeen Ciidamada AMISOM sida lagu yiri Warka AMISOM ka soo baxay.

“Al-shabaab ayaa Weerara Madaafiic iyo mid Toos ah isugu jira nagu soo qaaday,waan iska Caabina oo ma jiro wax Khasaare ah oo naga soo gaaray “ayaa lagu yiri Warka AMISOM.

Degaanka Ceel-baraf oo Hoostaga Degmada Mahaddaay Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa Labo maalin ka hor sidoo kale Al-shabaab ay ku Weerareen Madaafiic.