AKHRISO:- Saadaashii ugu dambeeysay ee doorashada Mareykanka

0

Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa wada saacadihii u dambeeyey isu soo baxyada ololahooda doorashada.

Afkaarta dadka laga uruuriyey ayaa muujinaysa in Mrs Clinton ay ninka ay iska soo horjeedaan ee xisbiga Jamhuuriga ku hogaaminayso boqolkiiba 4 dhibcood.

Mr Trump ayaa ugu sheegay taageerayaashiisa Florida in doorashada ay tahay fursaddii ugu dambaysay ee ay ku diidi lahaayeen dabaqad uu ku tilmaamay in musuq uu hareeyey.

Isu soo bax ka dhacay magaalada Pittsburgh ayey Mrs Clinton kaga codsatay taageerayaasheeda xisbiga Dimoqaraadiga inay u codeeyaan Ameerika rajadeedu wayn tahay oo loo wada dhan yahay.

1