TOP DHAGEYSO:- Shir muhiima oo ka furmay Garoowe

0

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta furay shir balaaran oo wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha la shaqeeya ay dib u eegis ugu sameynayaan qorshayaashii la dagsaday sanadkaan 2016 iyo waxyalaaha ka hirgalay iyo waxyaabaha aan qabsoomin.

Dr. Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay shirkaan oo labo maalin socondoona in wax la isaga weydiidnoono cid walba waxa uqa qabsoomay qorshihii ay dagsatay oo ku saabsan xaga caafimaadka, qorshahaas oo horey la dajiyay sanadkii hore ee 2015.

Sidoo kale, wasiirka caafimaadka dowladda Puntland ayaa sheegay in shirkaan looga doodidoono qorshaha soo socda ee sanadka 2017 sida uu noqondoono iyo tilaabooyinka loo baahan yahay in la qaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO