TOOS U DHAGEYSO:- Fartaag Oo Ugu Baaqay Shacabka Jubbaland Inay Ka Qayb Qaataan Dhameystirka Dhismaha Maxjarka Magalaada Kismaayo.

0

C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Jubbaland ayaa shacabka deegaanada Jubbaland ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha Maxjarka Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in shacabka iyo ganacsatada deegaanada Jubbaland ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan dhismaha maxjarka .

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay guul tahay in Shacabka deegaanada Jubbaland ay yeeshaan Maxjar qaab casri ah loo dhisayo.

Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi waxa ay ka dhagax dhigeen Maxjarka Magaalada Kismaayo.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO