DAAWO SAWIRADA:- Mid ka mid ah Jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiga oo xukun adag lagu riday

0

Jilaaga caanka ah Aditya Pancholi ayaa waxaa maanta xukun adag ku riday Maxkamad ku taalla wadanka India ka dib markii lagu helay dacwad lagu soo oogay.

Maxkamada ayaa hal sano oo xarig ah ku xukuntay jilaagan kadib markii lagu qaaday fal dambiyeed uu galay 11-sano ka hor.

Aditya Pancholi waxaa xukunkaan ku riday maxkamada magaalada Andhara ka dib markii lagu helay inuu jirdilay qof dariskiisa ah sanadii 2005 kaasoo ay murmeen.

Waxaa sidoo kale Aditya Pancholi lagu xukumay ganaax lacag u dhigantay qiyaastii $300 inuu bixiyo maadaama uu xiligaas ninka dariskiisa ahaa si xun jir dilay sankana ka jebiyay ka dib markii labada nin uu dhexmaray muran la xiriira goob gaadiidka laa dhigto.

Booliska ayaa xiligaas xiray Aditya balse damaanad ayaa lagu sii daayay, waxaana dacwadan ay socotay muddo 10 sano ka badan.

Pancholi ayaa markii uu ka soo baxay Maxkamada xukuntay waxaa su’aalo kala hortagay koox weriyeyaal ah, hase ahaatee waxaa uu jawaab kaga dhigay afka oo uu farta saara taasoo la macno ah inuusan hadleynin, iyadoo qareenadiisu sheegeen iney racfaan ka qaadan doonaan xukunkan.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

joli

MUMBAI, INDIA - MARCH 8: Bollywood actor Aditya Pancholi produced at the Bandra court and granted bail, after being arrested for assaulting a bouncer at a pub in Juhu, on March 8, 2015 in Mumbai, India. According to the Santacruz Police, Pancholi, who was allegedly under the influence of alcohol, was annoyed at a disc jockey at a Juhu-Tara Road night club in Juhu, after he did not play the songs he had requested. (Photo by Satish Bate/Hindustan Times via Getty Images)
MUMBAI, INDIA – MARCH 8: Bollywood actor Aditya Pancholi produced at the Bandra court and granted bail, after being arrested for assaulting a bouncer at a pub in Juhu, on March 8, 2015 in Mumbai, India. According to the Santacruz Police, Pancholi, who was allegedly under the influence of alcohol, was annoyed at a disc jockey at a Juhu-Tara Road night club in Juhu, after he did not play the songs he had requested. (Photo by Satish Bate/Hindustan Times via Getty Images)

joli2 joli3 joli4