DHAGEYSO WARBIXIN:- Waa sidee Xaalada Degmada Qandala oo ay Gacanta ku hayaan Kooxda Daacish sheegata

0

Degmada Qandala oo wajahaysa Duulaan ka dhan ah Argagixisada Daacish ayaa Waxaa Wariye ka tirsan Idaacada Maxaligaa ee radio Daljir uu ka diyaarshay warbixinn la xariirta xaalka degmada iyo barakac dadka deegaanku sameeyeen.

Qandala xili walba waxaa ka dhci kara hawlgalka Argagixiso sifaynta ah oo dawladda Puntland, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo loogu diyaar garoobayo hawlgalkaas.

Naf lacaariga Daacish ayaa ku dhuumaalaysanaya banaanka Qandala, waxaana la saadaalinayaa in lasoo afjari doono Kooxda Daacish ee ku sugan aaga Qandala ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Gobolka Yuusuf Maxamed Wacays dhado ayaa ka hadlay barakaca shacabka Qandala oo uu sheegay in si miir la’aan ah ay usoo qaxeen maadaama Argagixiso qabsatay Degmadoodii.

Bulshada Barakacday ayuu codsaday in wax loo qabto.

HALKAAN KA DHAGEYSO