Kenya oo xabsiga dhigtay dad loo heysto weerarkii Mandheera

0

Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay saddex ruux oo lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Bisharo ee ku yaalo Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dadkaan la xiray ayaa laga qabtay Bartamaha Magaalada Mandera, kadib markii ay soo galeen raadad ku aadan inay xiriir dhaw la leeyihiin Shabaab, inkastoo weli aanan la haynin cadeymo rasmi ah oo muujinaya inay Shabaab xiriir toos ah la leeyihiin.

Guddoomiyaha Degmada Mandeera, Fredrick Shisia ayaa waxuu tilmaamay in tuhmaneyaasha su’aallo kala duwan lagu weydiinayo saldhig boolis oo ku yaalla Magaalada Mandera.

Guddoomiyaha ayaa qaar ka tirsan Bulshada ku nool Magaalada Mandera ku eedeeyay inay ka dambeeyaan weerarada ka dhacay Magaaladaasi, maadaama xogo kala duwan ay siiyaan Al Shabaab iyaga oo ka baqaya Shabaabka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in tirada la xiray ay noqoneysa 5 Ruux maadaama horey labo kale loo xiray, kuwaasi oo iyaguna loo heysto Weerarkaasi ay sheegteen Xarakada Al Shabhaab.

Guddoomiyaha Degmada Mandera, ayaa tilmaamay in dadka u xiran weerarkii Mandera ay gaarayaan 5 ruux oo labo qof ay horay u xirnaayeen.

Al Shabaab ayaa weerarka ay ka geysteen Degmada Mandera waxa ay ku dileen 12 ruux oo deganaa Hotelka Bisharo ee Magaalada Mandera, dadkaasi oo ahaa Kenyan aanan u dhalan Magaaladaasi.