Fredrick Shisia ” Shacabka ayaa la shaqeeya Al-Shabaab”

0

Gudoomiyaha Gobolka Mandheera Fredrick Shisia ayaa u aaneeyay weerarrada Al-Shabaab ay ka geystaan degmada Mandheera in ay ku yimaadeen xog ay gudbiyeen Qaar ka mid ah shacabka kunool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay ay wadaan baaritaano lagu soo qabanaayo dadka lagu eedeeyay in ay gudbiyeen xogta ku aadan meelaha ay weeraraan Al-Shabaab.

“Xataa  weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Hotel  Bishaaro waxaa jiray dad soo abaabulay oo joogay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan degmada Mandheera” ayuu yiri Fredrick Shisia.

Gudoomiyaha Mandheera ayaa ugu baaqay ilaha sirdoonka dalka Kenya in ay howgal balaaran oo dadka oo dhan lagu baaraayo in ay ka sameeyaan degmada Mandheera.

“Dadka xogta ama macluumaadka siiya Al-Shabaab , waan ku dabajirnaa waana soo qaban doonaa waana jiraan ” sidaas waxaa Yiri Markale Fredrick Shisia.

Al-Shabaab  ayaa dhawaan weerar khasaare badan dhaliyay waxa ay ku qaadeen degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana weerarkaasi lagu laayay dad u badan masiixiyiin oo aan u dhalan degmada Mandheera , kuwaa soo kasoo jeeda gobolada kale  ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer Weerar ku  qaaday degmada Mandheera , tan iyo markii ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al-Shabaab sanadkii 2011.