Duulaan Ku Wajahan Tiyeeglow Iyo Al-shabaab oo Billaabey In..

0

Gudoomiyaha degmada Tayeeglow Maxamed Cabdulle Foodcade oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool in lasoo gaarsiiyay hubkii ay kula wareegi la ahaayeen degmada Tayeeglow ,islamarkaana dhawaan ay weerar ku qaadi doonaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkii kasoo barakacay degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ay ku dhibaateysan yihiin deegaano hoos yimaada Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya , maamulka Koonfur Galbeed, Beesha Caalamka, in ay gar gaar deg deg ah ay lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan duleedka degmada Xudur.

Ugu dambeyntii maamulka Degmada Tayeeglow ayaa wacad ku maray in ay dib u qabsan doonaan degmada Tayeeglow oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhawaan Ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ka baxay degmada Tayeeglow , waxaana degmadaasi ay gacanta u gashay dagaalyahanada Al-Shabaab.