Ciidamada Ciraaq oo dib u billaabay duulaanka Mosul

0

Ciidammada gaarka ah ee Ciraaq ee dagaalka kula jira kooxda sheegata dowladda Islaamka waxay dib u bilaabeen inay hore ugu sii socdaan magaalada Mosul.

Ciidammada waxaa ka hor yimid rag baabuur isku qarxinaya waxaana lagu soo weeraray hoobiyeyaal iyo hub fudud.
Hore u socodkan cusub waxaa uu gaarsiinayaa meel dhowr kilomitir oo keliya u jirta Mosul, oo ah tan ugu weyn ee gacanta kooxdan ku hartay dalka Ciraaq.

Weriye ka tirsan BBC-da oo la socda ciidammadaasi ayaa sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay dagaallada maanta.

Mosul waa magaaladii ugu dambeysay ee wali ku harsan gacanta Daacish. Xoogga dowladda iyo xulafdooda ayaa magaalada weeraro uga soo qaaday jihooyin kala duwan.

Boqolaal dagaalyahanno ka tirsan Daacish ayaa la sheegay inay difaacn uga jirana gudaha magaalada.

Qaramada Midoobey laanteeda xuquuqda Aadanah ayaa sheegtey in ay dagaalyahanada Daacish ay ilaa 500 oo qoys ay ka kaxaysteen tuulooyinka magaalada Mosul iyaga oo geeyey gudaha magaalada.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay dadkaasi u isticmaali doonaan gaashaan. Afahayeen u hadashay Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay baarayaan warar sheegaya in ay Daacish 40 qof oo shacab ah ay ku dillen tuulo keliya.