XOG RASMI AH:- Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Ku Kulmaya Dalka Imaaraadka Carabta

0

Warar ay Warbaahinta Soomaalida ka kala heshay saraakiil kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegaya in hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ay kulan ku yeelan doonaan dalka Isugu taga imaaraadka carabta oo maalmihii lasoo dhaafay ay gaareen.

Hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo sidoo kale Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kulankooda waxa ay uga hadli doonaan colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dalka Isugu taga imaaraadka carabta waxaa ku sugan inta badan madaxweynayaasha maamul goboleedyada , waxaana la sheegaya sababta ay halkaasi u tageen in ay tahay martiqaad ay ka heeleen Madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Muddo ku dhow hal bil ayaa Magaalada Gaalkacyo  waxaa ka socda dagaal u dhaxeya maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana dowladda Imaraadka lagu soo waramaya in ay madaxweynaasha Puntland iyo Galmudug ay ka codsatay in ay xal ka gaaraan colaada ka taagan gobolka Mudug.