Xaqiiqda ciidamada Ethiopia ay ku joogeen Somalia oo la kashifay iyo go’aano soo baxay

0

Iyadoo dareen kala duwan laga muujinayo bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Gobolada Soomaaliya, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiir ku-xigeenkii hore Gaashaandhigga DKMG ahayd ee Somalia, Gen. Maxamed Cali Catoosh.

Gen. Catoosh ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay Somalia kala maqan yihiin dhib waxa uuna sheegay in markii horaba aysan cid u yeeran hadana ay iskooda uga baxeen Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia aysan si toos ah u sugeynin amaanka balse ay ahaayen kuwo marba meel qabsadan marna kaba.

Ciidamada Ethiopia ayuu sheegay inaysan laheyn Hadaf gaara oo ay ku xalinayaan xaalada cakiran ee uu dalka ku jiro, waxa uuna carabaabay keli in looga maarmi karo dhisida kuwa Somalia.

Ethiopia ayuu ku eedeeyay inaysan usoo jeedin waxkabedelka xaalada Somalia, balse qorshaha duulaankeeda uu ahaa mid maslaxadeeda ku xiran.

Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay la imaado qorsho nidaamsan oo ay uga maarmi karto Ciidamada shisheeye ee Howlgalada u jooga Somalia.

Ciidamada Ethiopia ayaa billaabay inay isaga baxaan deegaano dhawr ah oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.