WARBIXIN XIISO BADAN:- Afar waxyaabood oo sabab u noqon kara in mar kale dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya

0

Iyaddo muddo 30 cisho ay ka harsan tahay waqtigii loogu tala galay inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ah tan ugu muhiimsan ee la wada dhowrayo qabsoomideeda ayaa waxaa soo baxaya calaamado muujinaya inuu mar kale dib u dhac ku yimaado.

Jadwalkii bishii September soo bandhigeen Guddiga Doorashada dadban ayaa wali waxaa ku hor-gudban caqabado iyo in dib u dhacyo ku imaanayo xilliyadii loo qorsheeyay inay ku dhacaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Howlaha baaxada leh ee haray iyo mudada 30-ka cisho ee la heysto ayaan ku suura geli karin in doorashada ku dhacdo waqtigeeda, waana tan mar kale abuureysa shaki iyo inay dhacdo muddo kororsi hor lehe.

Jadwalkii doorashada Aqalka hoose ayaa qorshihiisa ahaa in 17 maalmood lagu soo doorto Xildhibaanada Aqalka hoose oo ah inta 23 bisha October illaa 10 November, mana muuqato wax ka dhaqan galay mudadaas oo 7 maalmood laga cunay.

Tan koowaad ayaa ah in aan la xareyn ergooyinkii 14,025 ee lagu waday inay doortaan Xildhibaanada aqalka hoose, iyadoo wali ay jiraan murano ku aadan qeybsiga juffooyinka beelaha ee min 51 ergo.

Sidoo kale lama diyaarin goobihii la dejin lahaa ergooyinka, waxaana Guddiga doorashooyinka uu sheegay in aan wali la soo dhameystirin ergooyinka oo maamul goboleedyada ay wax badan ku harsan yihiin.

Mida labaad ayaa ah dhameystir la’aanta Aqalka sare oo wali qabyo ah, waxaa ka harsan Maamulka Hirshabeelle oo aan wali soo gudbin liiska Musharaxiinta Aqalka sare iyo xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya Somaliland.

Mida saddexaad ee sabab u noqon karta dib u dhac ku yimaada doorashada ayaa ah in aan wali la xalin cabashadii siyaasiyiinta Gobolada waqooyi ee Somaliland, kaddib markii ay dhowaan qaadaceen doorashada.

Colaada ka taagan Gaalkacyo iyo habac-sanaan xaga amniga ee deegaanada gobolada dalka ayaa iyana ah wax shaki gelin kara qabsoomida doorashada, kaddib markii dhowaan Ciidamada Itoobiya ka baxeen deegaano badan oo ku yaalla Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xubnaha mucaaradka ayaa ku eedeynaya Madaxda Madasha wada-tashiga qaran in arrimaha doorashada ay xoog ku heystaan, isla markaana aysan ka go’neyn in doorashada waqtigeeda ku dhaca.

Marka loo eego gaabiska ka jira howlaha doorashooyinka, culeyska saaran Guddiga doorashooyinka iyo fara gelinta shisheeye ayaa waxay sababi kartaa in doorashada ay u dhacdo illaa sanadka cusub.

Dad badan ayaa aaminsan in hadii 30-ka November ay dib u dhacdo doorashada Madaxweynaha ay hubanti tahay inay gaarto illaa sanadka cusub 2017.