WAR DEG DEG AH+DHAGEYSO:- Ciidamada Galmudug oo Xoog ku soo Furtay Gabar Ajaanib ah oo lagu haystay Deegaanka Camaara

0

Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ayaa Xalay Howlgal ay ka fuliyeen Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug,waxaa ay Xoog ku soo furteen Gabar Ajaanib ah oo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay ku haysteen Degaanka Camaara.

Gabadha ay soo furteen Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug ayaa u dhalatay Wadanka Kenya,waxaana sidoo kale Kooxda Burcad Badeeda Soomaalida ay gacanta ugu jirtay illaa 18 Bilood.

Ciidamada Nabad Sugidda ee soo Furtay Gabadha Kenyanka ah ee Burcad badeeda u afduubneyd ayaa sidoo kale Nin lala Afduubay Gabadha ay Xalay soo furteen waxaa ay asna soo furteen 17-kii February  ee Sanadkaan.

Wararka ayaa sheegaya in Gabadha Ciidamada ay soo badbaadiyeen la keenay Magaalada Cadaado oo Caasimad KMG ah u ah Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-