WAR DEG DEG AH:- Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Goof-Gaduud

0

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa dagaal qorsheysan saaka aroortii waxa ay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud oo Qiyaastii 25-KM u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada Ururka Al Shabaab iyo ciidanka Dowladda Federalka Somaliya ay ku dagaalameen deegaanka Goofgaduud, iyadoo intaasi ka dib Shabaab u suuragashay inay qabsadaan Deegaanka.

Ciidamada Ururka Al Shabaab oo dhowr jiho dagaalka ka soo qaaday ayaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud, kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda dagaalka ay kaga i taal roonaadeen.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac soo kala gaaray sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Dhacdo.com u sheegay inay hada wadaan abaabulka ku aadan sidii ciidamo loogu diri lahaa deegaankaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa la qorsheynayaa in laga diro Magaalada Baydhabo si ay u caawiyaan ciidamada kale ee ku sugan duleedka Deegaanka Goofgaduud ee dagaalka looga soo saaray Magaalada.

Shabaab ayaa dhowr mar weeraro qorsheysan ku qaaday ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Deegaanka Goofgaduud.